Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Ingineer Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa Tacsi ka diray Dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.
Ingineer Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu si gaar ah tacsi ugu dirayo Jenral galaal Ehelada Geeridaii Marxuum Jen. Galaal oo kamid ahaa Ciidamadii Xooga dalka, Wuxuuna tilmaamay inuu ahaa Halyeey Itoobiya Cashar u dhigay xiligii dagaalkii 77.
Sidoo kale Wuxuu Faysal Cali Waraabe baaq uu u diray Shacabka Soomaaliyeed eek u nool Muqdisho, Wuxuuna tilamaamay inaysan Talada Gacantooda ku jirin, Wuxuuna sheegay in Dawladaha Itoobiya, Kenya, Qatar, Turkiga iyo Maraykanku ay Gacan kula jiraan, oo Weliba dantooda ay eegayaan. “Dan soomaaliyeed intuba ma wadaan” Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Gaba Gabadii Ingineer Faysal Cali Waraabe ayaa Timaamay in Jen. Galaal oo taariikh wayn ku lahaa ciidamada in Xus loo sameeyo ee meel gaar ah loogu magac daro ayuu yiri Feysal Cal iWaraabe.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com