Sidee looga ciiday magaalada Bergen ee wadanka Norway…?.

Magaalada Bergen oo ah caasimada labaad ee wadanka Norway ayaa muslimiinta ku nool oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ka mid yihiin waxay u dabaal dageen munaasabada Ciidul fidriga, xili ay jirto cabsi laga qabo koror ku yimaada Feyruska Covid-19 oo sanadkii labaad saameeyey isku imaatinka dadyowga caalamka.

Masaajidada Bergen Moske iyo Salam Islamic Senter oo lagu dukaday salaada ciida ayaa jameecooyinkii ka qeyb galay waxay ahaayeen dad kooban oo qadka Internetka iska diiwaan geliyey, iyadoo la ilaalinayo awaamiirta xukuumadda iyo talooyinka machadka caafimaadka wadanka Norway ay kasoo saareen sidii loo yareen lahaa faafida Karoona Feyrus, taasoo sababtay in tiro aan badnayn ay ka qeyb galaan salaada ciida, halka qoysaska intooda badnaa ay guryahooda ku dukadeen isla markaana ku xafladeeyeen.

Qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bergen iyo nawaaxigeeda oo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo reyn-reyn ayaa saladdii ciida kadib ayaa kula kulmay xaafadda Landos halkaasoo ay isugu yimaadeen isla markaana isugu hambalyeeyeen ayaa waxaa la dhex qaaday muuq-baahiyaha SDN tv.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAAL QURUX BADAN.

Aragticusub.com
Bile Mohamed Cabdi
Bergen-Norway.