Sidee looga Ciiday Norway sanadkaan ? + SAWIRO

Iyadoo Malaayiin muslimiin ah ay maanta u dabaal dageen munaasabada ciidul fidriga oo ka mid ah maalmaha ay sida weyn u qadariyaan dadka Muslimiinta ayaa wadanka Norway muslimiinta ku nool oo ay ka mid yihiin Soomaalida looga ciiday si ka duwan ciidihii hore.

Goobaha maanta lagu dukaday salaadda ciidul fidriga ee magaalada Oslo ayaa waxaa ka mid ahaa Masjidka Towfiiq Islamic Senter, halkaas oo ay usoo dukasho tageen dadweyne aad u fara badan, waxaana dhaqan galay amar ay soo saartay wasaaradda Caafimaadka Norway, taasoo dadka looga digayay inay is dhex galaan isla markaana wax ka badan 50-qof ay goob isugu yimaadaan.

Guddoomiyaha Masaajidka Towfiiq Ibraahim Cismaan Xuseen oo ka hadlay munaasabada ciida ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u diray ummadaha islaamka gaar ahaan Soomaalida ku nool guud ahaan dalka Norway, wuxuuna alle uga baryay in xanuunkan safmarka ah Karoona ee galaafsaday nolosha kumanaanka qofood isla markaana adduunka kala xanidhay inuu rabbi ka dul-qaado.

Qaar ka mid ah dadkii u dabaal dagayay munaasabada ciida oo aan kula kulmay goobaha loo dalxiis tago ayaa dareen farxadeed oo aad u sareeya ka muujiyey maalinta koowaad ee ciida, iyagoona hambalyo u diray eheladooda iyo asxaabtooda.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com