Sidee Jubland u aragtaa Heshiiskii ay gaareen Musharixiinta iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya?

Maamulka Jubaland ayaa soo dhaweeyay heshiishka dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashaxiinta ay xalay ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Maamulka Jubaland ka dalbatay Dowladda Federaalka in ay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqanto musharaxiinta iyo in ay qabato shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo waafaqsan heshiiskii 17 September 2020.

War Qoraal ah oo ka soo baxay madaxyooyada Maamulka Jubaland ayaa lagu  sheegay Sidaan:

“Jubaland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka iyadoo loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dhuruucda dalka”.

“Jubaland waxay ugu baaqaysa Dowlada Federaalka ah in ay garowsato in saamileeyda siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka doorashada” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Jubaland ayaa lagu yiri qoraalka”.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com