Bergan:-Golaha Magaalada Bergan ayaa maanta oo jimca ah soo saaray go,aano la xiriirta sidi loo yareyn lahaa xanuunka caabuqa ee COVID-19 kaas oo maalmihii ugu dambeeyay kordhayeen dadka xanuunka qaadaya gudaha Magaalada Bergan iyo guud ahaan wadanka.
Madaxa caafimaadka Magaalada Bergan iyo wasaarada caafimaadka ayaa bulshada Magaalada kula taliyay in ay qaatan afxirashada .
Shuruudaha ayaa ka mid ah in dadku isticmaalaan afxirasho hadii ay joogaan goobo bulshada ku badan tahay isla markaana suurta gal aheyn in la isku jirsado 1meter.
Sidoo kale Maqaayadaha ayaa loogu baaqay in ay diiwaangaliyaan dadka imaanaya si u fududaato yareynta in cudurka bulshada ku sii faafo.
Hada waxaanu ku jirnaa xaalad uu xanuunka dib u soo laabtay adeega caafimaadka degmada iyo isbitaalladaba waxay soo sheegaan cadaadis weyn oo ka dhashay xaaladda caabuqa, ayuu yiri Gudoomiyaha golaha deegaanka Bergan.
Shuruudaha ay soo saareen Maamulka Magaalada Bergan ayaa dhaqan gali doona 22-ka bishan oo ku beegan bilowga isbuuca dambe.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u soo badanayay gudaha wadanka Norway dadka qaadaya xanuunka safmarka ah ee COVID-19 taas oo keentay in gobolo badan oo dalka ah soo saareen shuruudo la xiriirta sidii xanuunka loo xakameyn lahaa.
HALKAN HOOSE KA DAAWO:
Xafiiska Wararka,Bergan.
Info@aragticusub.com