Shirkii wadtashiga ee Dawlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada oo si rasmi ah uga Furmay Dhuusamareeb

Wararka ka Imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkasi uu ka Furmay shirkii wadatashiga ee u dhexeeyay Dawlada Federaalka Soomaliya ‘ Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa looga hadlaya Arimaha doorashooyinka Dalka iyo sidii laysugu afgaran lahaa soo xulista Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya

Inta uusan Furmin shirka ayaa halkaasi waxaa kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Madxada kala duwan ee shirkasi ka qayb galaysa

Gudoonka labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lafilayaa in shirka khudbado ay ka jeediyaan.

Shirka ka furmay maanta Magaalada Dhuusamareeb aya imaanaya iydoo xubnaha beesha Caalamka ee daneeya Arimaha Soomaaliya ay madaxda Soomaalida ku cadaadiyeen in doorasho loo dhan yahay dalka ay ka qabsoonto

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com