Shirkii u dhexeeyay RW Rooble iyoMidowga Musharixiinta oo Fashil ku soo dhammaaday

Shirkii u dhexeeyay  Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo looga hadlay arrimaha doorashada ayaa Fashilmay

Shirka oo muddo saacadaha ah ka socday Hotel Decale ayaa laysku fahmi waayay Qodobo la xiriira doorashooyinka dalka

Cabdiraxman Cabdi shakuur Warsame oo ka mid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Rooble aysan isaga talada ka go[in uu markasta la xiriirayay Madaxweyne Farmaajo taas oo uu sheegay in caqabad ay ku noqoneyso Geedi socodka Nabada

Dhinaca kale Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubeey Xaaji ayaa ku Eedeeyay in Mucaaradku ay dhankooda wax ka socon waayeen waxaana uu sheegay in dalabka musharixiinta ee ah in la qayb geliyo shirarka looga hadlayo doorashada dalka aysan Xukuumadda Awood u lahayn ayna ku xiran tahay in Dawlada Dhexe iyo Maamul goboleedyada Heshiis ay ka gaaraan ayuu yiri Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubeey Xaaji

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com