Shirkii looga hadlayay xalinta khilaafka doorashooyinka oo maalintii labaad ku soo idlaaday Muqdisho

Shirkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo u dhexeeya dowladda Federaalka ‘maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir , ayaa maalintii lagu qabtay xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa looga dooday dhammaystirka heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September, si loo xalliyo tabashooyin ka soo noqday hirgelinta heshiiskaas, islamarkaana doorashooyinka loo qabto.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir gudoomiyay shirka , waxaana ka qayb-galay madaxweynayaasha shanta madax maamul goboleed iyo gobolka Banaadir.
Xubnaha shirka ka qayb galay ayaa sheegay in shirku si wanaagsan ku soo idlaaday, laakiin ma aysan ka hadlin qodobada shirka looga dooday .

Ilo ku dhow shirka ayaa warbaahinta aragticusub u xaqiijiyay in looga hadlay Ajande ku saabsan Dadka ka soo jeeda gobolada waqooyiga iyo saamiga ay ku yeelan doonaan awood qaybsiga kuraasta dadka ku matala degaanada Somaliland.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com