Shirkii Dawlada Federaalka iyo Dawlad goboleedyada oo ka Furmaya Magaalada Muqdisho

Waxaa , lagu wadaa in uu Magaalada Muqdisho Saacadaha soo socda uu ka furmo, shirka madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka waxa si rasmiya u daah-furi doona Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka qayb-gelaya Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka waxaa looga hadlayaa xaaladda kala guurka ah ee Siyaasadda dalka, gaar ahaanna arrimaha doorashada soo socota iyo turxaan-bixinta heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee hannaanka doorashada, kaas oo aysan ka qayb-gelin Puntland iyo Jubaland.

Furitaanka Shirka ayaa la filayaa in ay Khudbado kala duwan ka jeediyaan Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kuwaas oo ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee waddanka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com