Madaxweynayaashii hore Soomaaliya ShariifSheekh Axmed ‘ Xasan sheikh Maxamuud iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa Khudbad ka jeediyey Shirka Beelaha Mudulood maanta si Rasmi ah uga Furmay magaalada Muqdisho, Madaxweynihii hore Soomaaliya shariif sheikh Axmed ayaa ugu baaqay Beelaha Mudullood inay ka garawsadaan tabashooyinka beelaha kale ka qabaan oo ay la fariistaan, lagana bilaabo beelaha u arka in laga xoog iyo tiro badan yahay, isagoo soo dhoweeyay tallaabada Imaamka ee uu ku soo jeediyay in lala fariisto beelaha banaadiriga oo wixii ay tabanayaan laga garaabo.
Sheikh Shariif wuxuu sidoo kale ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee dalka, Siyaasadda madaxwayne Farmaajo iyo Arinta Doorashada.
Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday Doorka beesha Mudullood ay ku leedahay dawladda dhexe ee Soomaaliya “Mudullood xooggooda ugu badan waxay geliyeen dowladda dhexe, ciidamada ugu badan xoogga waa mudullood, ma ahan in lagu dhibaateeyo qabiilkood dartood ciidan ku soo shaqeeyay duruufo adag” Ayuu yiri Sheikh Shariif.
Dhinaca kale Madaxweynahyaashii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed iyo Xasan sheikh Maxamuud ayaa Iyana halkaasi ka hadlay kuna baaqay in Dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho waqtigeedka ku qabsoonta lagana fogaado Muddo kororsi
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com