shirkad diyaaradeed oo joojisay Duulimaadka Garoonka Aadan Cade

Shirkadda Diyaaradaha ee Jambojet oo ka mid ah Shirkaddaha ugu qiimaha hooseeya ee dalka Kenya waxay ku dhawaaqeen inay joojiyeen gebi ahaan Duullimaadyadii Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Madaxa Guud ee Fulinta ee Shirkadda Jambojet, Allan Kilavuka oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay Go’aankaasi qaateen, kadib, markii loo diiday inay Diyaaradahooda Duullimaadyo Subaxnimo ah ku yimaadaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maamulayaasha Soomaalida ku guul-daraysteen inay Shirkadda siiyaan Ballanqaad ku aadan Duullimaadyada Aroornimo ee ay kaga soo degi karaan Garoonka Muqdisho.

Diyaaradaha Shirkadda Jambojet waxa u qorsheysnaa inay Garoonka Jomo Kenyatta ka soo duullaan 6-da aroornimo, si ay uga soo degaan Garoonka Muqdisho iyo inay Diyaaradda dib ugu laabato Nairobi saacadu markay tahay 9-ka subaxnimo iyo 25 daqiiqo ee barqanimo.

Guddoomiyaha Fulinta ee Jambojet waxa uu sheegay inay Shirkadu wixii ka dambeeya xilligaasi ay bilaabaan Duullimaadyo Gudaha oo ay ku kala bixiyaan magaallooyin ku yaalla Kenya.

Dhinaca kale,Maamulka Garoonka Aadan Cadde waxay Shirkadda Jambojet ku wargeliyeen inuu Garoonku mashquul yahay saacadaha ay dalbadeen inay Diyaaradooda ku soo degto Garoonka, isla markaana loo baahan yahay inay Jadwalkooda Duullimaadka ku saleeyaan Xilliyadda Duhurnimada.

Shirkadaasi waxa uu qorshuhu ahaa inay Duullimaadyadda Muqdisho bilaabaan bishii November 24-dii ee sanadkii hore, balse dib ayey u dhigeen ilaa bilowgii sanadkan 2020-ka, waxayna haatan ku dhawaaqeen inay gebi ahaan joojiyeen Duullimaadyadii ay isaga kala gooshi jirteen magaallooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Somalia weli kama aysan hadlin hadalka ka soo baxay Shirkadda Diyaaradaha Kenya ee Jambojet, oo ay ku sheegeen inay joojiyeen gebi ahaan qorshihii Duullimaadyada ay ku imaan jireen Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho oo ka mid noqday Garoomadda ugu mashquulka badan Duullimaadyadda Caalamiga ee  qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com