shirka Madaxda Maamul goboleedyada oo maanta Dhuusamaeerb ka Furmaya

Shirka Wadatashiga Maamul Goboleedyada ayaa maanta ka furmaya magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay socoto qaban qaabadii u dambeysay ee uu shirka ku furmi lahaa

Shirka ayaa la filayay in maalinta shalay hayad uu Farmo balse dib u dhac uu ku yimid furitaanka shirka

Madaxweynayaasha Maamulada  Koofur Galbeed Puntland, Hirshabeelle, iyo Jubbaland

Ajandaha shirka maanta ayaa ah furitaanka khudbadaha Madaxda dowlad goboleedyada, kadibna waxaa loo guda geli doonaa shirar ay albaabada u xiran yihiin oo ay yeelanayaan wafuuda ay hoggaaminayaan Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddiyo Farsamo ay iska magacaabeen shanta maamul goboleed.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka la dhigay  ciidamo aad u fara badan, oo sugaya amniga madaxda Maamul goboleedyadaoo uu  shirka uga  furmaya magaalada Dhuusamarabeeb