Shirka Madaxda dowladda & Dowlad Goboleedyada oo maalintii labaad galaya

Maanta ayaa waxaa Maalintii labaad Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ku kulmaya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxweynayaasha shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka oo shalay Maalintii koobaad qabsoomay ayaa waxaa uu horudhac u yahay shirweynaha wadatashiga doorashooyinka ee dhawaan ka furmaya Muqdisho, waxaana looga hadlay sida uu shirkaasi ku qabsoomi karo.

Maanta ayaa Madaxda ay markale sii wadi doonaan wada-hadallada, iyaga oo ka doodi doona ajandaha shirka soo socda iyo sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa khilaafka doorashada Soom aaliya.
Xubnaha Wakiilada Beesha Caalamka oo ka Shaqeeyay isku keenida Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ayaa dusha kala socda Shirkaas, iyaga oo Madaxda dowladda & dowladda Goboleedyada ku cadaadinaya inay heshiis gaaraan.
Doorashada Soomaaliya ayaa waxaan weli laga gaarin heshiis rasmi ah, iyada oo ay ku gadaaman yihiin caqabado dhowr ah oo la donayo in laga gudbo si loo qab to doorasho la isku raacsan yahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com