Shirka hoggaamiyeyaasha Afrika oo ka socda Addis Ababa

Shirka sanadlaha ah ee hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa maanta oo Sabti ah ka billowday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Dagaallada ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo iyo Suudaan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro shirkan labada maalmood socon doona.

Baaqyo cusub ayaa laga soo saari doonaa shirka.

Ajandaha ugu weyn ee shirkan ayaa ah caddaaladda dhanka sixidda khaladaadkii hore ee dhanka gumeysiga.

Hoggaamiyeyaasha 55-ta dal ka socda oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa ku baaqaya “hiigsi mideysan” oo ku aaddan khaladaadkii taariikhda ee gumeysiga, addoonsiga, musiibooyinka bani’aadannimo iyo madow-nacaybka.