shirka Golaha watashiga Qaran oo Maanta lafilayo in si Rasmi ah uu uga Furmo Muqdisho

Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in shirka madaxda uu maanta ka dhici doono Teendhada Afisyooni.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in madaxda ka qeyb galeysa shirka ay soo wada xadireen, iyadoo dhinaca kale la filayo in uu madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen maanta soo gaaro Muqdisho si uu oga qeyb galo shirka.
Shirkan oo ay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed aad isha ugu hayaan ayaa dhaqdhaqaaqiisa aad laga dareemayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com