Shirka Dhuusamareeb oo Meel Xasaasi ah maraya iyo Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland oo Qodobo Adag Hordhigay shirka

 Magaalada Dhhuusamareeb ee xaruunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa malintii labaad ka socda shirka Watashiga ee u dhexeya Dawlada Federalka Soomaaliya Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gbolka Banaadir

Xalay Saq dhexe ayaa madaxda ku shirsan halkaasi waxaa ay ka dooden kuraasta gobolada Waqooyi iyo gobolka Gedo oo noqday qodobka ugu adage e looga dooday shirkaasi

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubland Saciid Cabdilahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay in sharuudo Adag ay hordhigeen shirka oo ku saabsan Halka lagu soo dooranayo Xildhibaanada gobolada Waqooyi iyo Xildhibaanada gobolka Gedo madama gobolkaasi uusan mamulka jubland ee Axmed Madoobe uusan gacanta ku heeyn gobolkaasi

Dood dheer ka dib ayaa laysku raacay kuraasta gobolada Waqooyi marka hore siyaasiyiinta oo uu khilaf ka dhexeyo ay ku soo heshiiyan halka gobolka Gedo aan ilaa hadda wax xal ah laga gaarin

Madaxweynayaasha Jubland iyo Puntland ayaa shirka ka baxay iyadoo ay isku soo hareen Madaxweyne Farmaajo oo shirka Gudoominayay ,Ra’iisal Wasare Rooble iyo Madaxda Maamulada Galmudug Hirshabeele iyo Koofur Galbeed si ay uga doodaan qodobadii sy shirka hordhigeen Madaxda  Maamulada Puntland iyo Jubland iyadii ilaa hadda aysan wax go’aan ah ama natiijo ah ka soo saarin

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com