Shir U dhexeya Dawlada Federaalka iyo Dawlad goboleedyada oo maanta Baydhabo ka Furmaya

Magaalada Baydhaba ayaa maanta waxaa ka Furmaya shir u dhexeya wakiilo ka socda Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada

Wafdiga Dawlada Federaalka Soomaaliya uga qayb galaya shirka Maanta ka Furmaya Magaalada Baydhaba ayaa waxaa Hogaaminaya Yuusuf Garaad Cumar iyadoo Dawlada Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ku matalayaan shirkaasi min laba xubnood

Shirka Wakiilda Dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir Maanta Uga Furmaya Baydhaba ayaa looga arin sanayaa doorashooyink Soomaaliya iyo Halka lagu qabanayo shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo in 15 bishaan uu ka dhaco Magaalada Garowe Balse Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni uu ku taliyay in shirka lagu qabto Magaalada Muqdisho si madaxda Beesha Caalamka iyo Saamileyda Siyasadeed ay door ugu lahaadaan shirkaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com