Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay Shir looga hadlayay howl-gallo ballaaran oo ka dhana Al-shabaab kaasi oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa shirka ku weheliyay wasiirka iyo wasiiru Dowlaha maaliyadda, wasiiru Dowlaha difaaca iyo taliyaasha Booliiska iyo Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha la sheegay in uu dhammaan wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ku amray in ay dar-dar geliyaan dedaallada lagu diyaarinayo howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab si looga xoreeyo degaannada ay dalka kaga sugan yihiin.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarineed ee dhammaan adeegyada Bulshada looga hir-gelinayo degaannada laga saaro Al-shabaab.
Taliyayaasha iyo wasiirrada kulanka ka qeyb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay ku dhammeystirayaan qorsha xoreynta degaannada ay Al-shabaab maamulaan iyo hir-gelinta adeegyada bulshada ee dhulkaas.