Shir laga yeeshay bixitaanka Ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan dood ahaa oo looga hadlayay bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ee jppga Soomaaliya, kuwaas oo Ciidamada dowladda ka taageera la dagaalanka Al-Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano iyo Khubaro dhinaca amniga ah,Siyaasiyiin, khurbo jog iyo madax kale, waxaana inta badan looga hadlay in la iftiimiyo tayeynta Ciidamada qalabka sida iyo kuwa degaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee kulanka ka qeyb galay ayaa ka hadlay caqabadaha heysta dhismaha Ciidamada Qalabka sida iyo sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga Guud ee dalka

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Kumanaan Askari oo ku howlgalla Magaca howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaa soo la qorsheeyay inay dalka guud ahaan ka baxaan dhammaadka sanadka 2024, hayeeshee muddo kooban dib loo dhigay.