Shir laga yeeshay Amniga Gobolka Bari

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud  ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka ciidanka  amniga Gobolka kaas oo lagu qabtay Xafiska Taliyaha Qeybta ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  Taliyaasha Saldhigyada kala duwan iyo Khuburada Dhinaca Amniga ah, waxaana diirada lagu saaray xoojinta Amniga Gobalka. Oo dhowr jeer ay ka dhaceen dilal iyo weeraro qorsheysan.

Kulankaan ayaa sidoo kale la iska wareystay Xaaladda amniga, iyada oo Taliyeyaasha ay soo bandhigeen qorshayaasha amniga iyo dardargalinta waxana dhamaan la Faray in ay fajiignaan xoogan ay muujiyaan sidii ay u sugi lahayeeen Amaanka.

Taliye Xuseen ayaa Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ka dalbaday in la daradar geliyo howlaha sugida amniga ee Gobolka Bari isagoona faray Saraakiisha in ay Bulshada ku xirnadaan iyagoo shacabkooda u turaaya kana Ilaalinaya dhibaato ay u geestaan inta ay ku jiraan Howlgalka.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com