Shil sababay dhimashada laba ruux oo ka dhacay Muqdisho(Sawiro).

Muqdisho,Shir sababay dhimashada laba ruux ayaa goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Shilkaan oo ka dhacay Suuqa bakaaraha ayaa la sheegay in gaari weyn oo nooca camuulka ah uu dul maray Mooto bajaaj meesha mareysay.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku waramaya in gaariga uu bareeg iska waayay taasina keentay in bootada dul mato.

Mootada ayaa waxaa saarnaa laba gabdhood iyo darawalkii watay,waxaana goobta ku geeriyooday labadii gabdhood halka dhaaca uu soo gaaray darawalki.

Dad weyne farabadan oo goobta soo gaaray ayaa gurmad xoogan u sameeyay dadkii khasaaraha ka soo gaaray shilkaas.

Mooto bajaajta ayaa ah mid si aad ah uga shaqeysa magaalada Muqdisho,waxaana qaar ka mid ah darawalada moota bajaajta wada ay sameeyaan mararka qaar waxyaabo halis keeni karo tusaale ahaan iyaga oo dhex mara gawaari xamuul ah dhexdood iyo walba mararka qaar xoog ku mara goob ay baaritaano ka wadaan ciidamada dowlada.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com