Wararka ka imaanaya degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal, , ayaa sheegaya in halkaasi uu xalay ka dhacay shil gaari oo dhimasho iyo dhaawac gaystay.
Gaari nooca Raaxada ah, oo ay saarnaayeen shan ruux, ayaa xalay ku rogmaday nawaaxiga Dangoroyo, waxaana ku dhintay laba nin, halka uu ku dhaawacmay hal ruux, laba Kalen ka badbaaday.
Labada marxuum ee shilka ku geeriyooday, waxa ku jiray askari ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo magaciisu ahaa Cabdulqaadir Xoreeye Gamboon, halka marxuumka kale oo lagu magacaabi jiray Maxamed Shiine Birjeeb uu ahaa qof rayid ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com