Shiinaha oo Todobaad ka yar ku dhisay Isbitaal Weyn(Sawiro).

China,Dowlada Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in ay dhistay isbitaal weyn oo lagu daweyn doono dadka qaba cudurka Corona.

Mas,uuliyiin ka tirsan Shiinaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isbitaalka lagu dhisay mudo lix cisho ah.

Waxaa ayna tilmaameen in howshaas si weyn uga qeyb qaateen injineero shiinees ah.

Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysa dhismahaas weyn ee mudada lixda cisho ah lagu dhisay.

Shiinaha ayaa waxaa mar kaliya ka kacay cudur ilaa iyo hada lala tacaalayo daaweyntiisa.

Daawo sawirada:

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com