Shiinaha oo Dowladda Somaliya ugu deeqay tallaalka COVID-19

hiinaha ayaa maanta Dowladda Somaliya ugu deeqay shan boqol oo kun oo doos, oo ah tallaalka nooca Sinopharm oo Shiinuhu farsameeyo.

Diyaarad siday tallaalka COVID-19 ayaa gelinkii dambe ee maanta ka degatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur ayaa Safiirka Shiinaha ee Somaliya, Amb. Fei Shengchao ka guddoontay tallaalkaasi.

Wasiir Foosiya ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadcelisay deeqdan, iyadoo ku hadleysay magaca shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa ku sugnaa goobta ay tallaalka kula wareegtay Wasiiradda Caafimaadka.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com