Shiikh Soomaali ah oo Magaalada Nairobi ugu geeriyooday Coronavirus

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ku geeriyooday qofkii labaad ee Soomaali ah oo la xaqiijiyey inuu u dhintay cudurka Coronavirus

Marxuum ILAAHAY ha u naxariistee Shiikh C/llaahi Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaalida ee ku nool Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa soo ritay cudurka iyadoo la dhigay isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi oo uu ku geeriyooday ugu dambeyn

Waa qofkii labaad ee Soomaali ah oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooda magaalada Nairobi inta la ogyahay.

Dhowaan ayey aheyd markii uu halkaasi ku geeriyooday ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamed ka dib markii uu haleelay Coronavirus.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com