Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Fariin Culus u diray Madaxweyne Farmaajo

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee Dalka

Sheekh Xasan daahir Aweys ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Mudadii xil heyntiisa ay dhammaatay loona baahan yahay in doorasho loo dhan yahay uu qabto.

Sheikh xasan Daahir Aweeys ayaa u sheegay inxubnaha  Musharixiinta ah iyo Madasha Badbaado Qaran ay u badan yihiin Dadka ku midoobau Hawiye iyo Daarood kuwaas oo sabab u ahaa kuwii xamar ka saaray Maxamed Siyaad Barre .

Xasan Daahir ayaa madaxweyne Farmaajo u sheegay in waqtigiisa uu dhammadaay islamarkaana uusan sabab u noqon Colaad dalkaan ka dhacda

Isaga oo sii hadlayay ayaa yiri’

 “War ninyahow waxaa kula talinayaa kiiskan haku ceeboobin, labo meel ayaa ka tusayaa, mid waxa weeye dadka hadda kaa soo horjeeda waa dadkii Maxamed Siyaad Barre, markii awoodda heystay oo xukun adag heystay waa nimankii meesha ka saaray, waa Hawiye, Daarood oo aad ka dhalatay oo kala ahaa majeerteen iyo Ogaadeen, waxa weeyaan C/llaahi Yuusuf oo SSDF ahaa, USC iyo Caydiid, SPM iyo Ina Cumar Jees”ayuu yiri’ Sheekh Xasan Daahir Aweys.

“Dadkaan dad sahlan maaha, ninka dadka sahlada waaba doqon,  waana la’ ii sheegay in aad dadka fududeysid, waana ka muuqataa, dadka ninkii fududeysta waa ku ceeboobaa, waxa dhihi lahaa nimankaan niman sahlan maaha waxaa yeesha haku ceeboobin sharciyaddaadii muddo xil heynta waa kuu  dhammaatay wax kale ku diyaar malahan, haddaad damacdo inaad xoogtid, dadkaan waa dadkaas dhagaha fur Farmaajo”ayuu yiri’ Sheekh  Xasan Daahir.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi gur ugu jira Dawlada Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu ku cibro qaato wixii hore dalka uga dhacay Ciidan kasta oo uu keensado Dalka aanay waxba ku tari doonin.

Xafiiska Warar Muqdisho

Info@aragticusub.com