Sheekh Umul oo Fariin u diray Madaxweyne Farmaajo ayaa Yiri’Kursiga ha isku dhejin, ka fuq, sabab ha u noqon dhiig dadaata iyo bur-bur

Culumaa’udiinka kala ah Sheekh Maxamed Cabdi Umul, Sheekh Maxamed Idiris, Sheekh Cusmaan Usuuli, iyo Culimo kale ayaaMadaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay in uusan isku dhejin kursiga Madaxweynaha maadaama uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

“Kursiga ha isku dhejin, ka fuq, sabab ha u noqon dhiig dadaata iyo bur-bur,”  ayay Ugu baaqeen Dhamaan Culumaa’udiinkasi oo kula taliyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu uu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmajo si uusan Dalkan Dhiig ku data uusan isga sabab ugu noqon.

Dhamaan Culumadaasi ayaa baraha bulshada soo geliyayFariin Adag oo ku socota Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ee la xiriirta in dalka Xilligan uusan dagaal u baahneyn sidoo kale qaarkood ayaa khudbad ay jeediyeen Jimcihii la soo dhaafay Fariin Toos ah ugu diray Farmaajo oo ah in uusan ka talin dagaal ka dhaca dalkan Soomaaliya

Sheekh Umal ayaa Madaxweyne  Farmaajo Fariin uu u diray  ku yiri “Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaana qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen ee Muslim iyo Gaal, oo inbadan aad ogsoontahay, sabab ha u noqon kursiga aad isku dhejineyso darteed hal ruux oo Muslim ah dhiigiisa inuu daato.”

Sanadkii 1991 ka dib ma dhicin in Dalka Soomaaliya uu soo maro Madaxweyne Xukunka isku Dhejiya aan ka ahayn Madaxweyne Farmaajo oo Dad badan ay Aamin san yihiin in Awood uu Dalka ku maamuli karo ka dib markii Ciidamo gaaraya ku dhawaad boqol kun oo Askari loogu soo tababaray Dallaka Turkiga iyo Eratareeya iyadoo dawlada Turkiga ay ku wareejisay Madaxweyne farmajo Hub aad u tiro badan iyo Gaadiidka Gaashaaman oo isugu jira Beebayaal iyo xoogaa aan badneyn oo Taangiyo ah si uu ugala dagaalamo Midowga Musharixiinta mucaaradka si uu xukunka u sii dheereysto

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com