Sheekh shariif oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay +guux siyaasadeed oo ka dhex jiro midowga musharixiinta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho.

Shariifka ayaa xubno ka mid ah xisbigiisa Himilo qaran soo dhaweyn kala kulmay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan cabdulle Ee Muqdisho.

Dalka Dibadiisa ayuu ku maqnaa sheekh shariif iyadoo arimaha khilaafka doorashooyinka taagan uu kala hadli doono madaxda xisbigiisa iyo midowga murashaxiinta.

Xisbiga Himilo qaran ee uu ka tirsan yahay sheikh shariif sheikh Axmed ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in maalmihii dambe ay xiriir dhow lahaayeen Villa Soomaaliya taasi oo shaki weyn gelisay midowga musharixiinta oo uu ka tirsan yahay sheikh shariif sheikh Axmed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com