Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sheikh Axmed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Prf Maxamed Cabdi Gaandi oo ku geeriyooday dalka Faransiiska
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Face Buugga ayaa sheikh shariif sheikh Axmed uu kaga tacsiyadeeyay geerida Marxuum Gaandhi.
INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaan shacbiga Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo geerida Prof Maxamed Cabdi Gaandhi oo ay isoo gaartay inuu ku geeriyoodey dalka Faransiiska.
Prof Gaandhi waxaan is barannay 2006 xilligaas oo uu ka shaqeynayay dhex-dhexaadinta Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN iyo Midowga Maxaakiimta.
Wuxuu kamid noqdey isbahaysigii dib u xoreynta ee Asmara, isagoo Dowladdii aan Madaxweynaha ka ahaana kasoo noqdey Wasiir.
Prof hadda wuxuu kamid ahaa Madasha Xisbiyada Qaran oo uu guddoomiye ku-xigeen ka ahaa, iyo Midowga Musharaxiinta wuxuu ahaa odey Soomaaliyeed oo dalkiisa usoo shaqeeyey, wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed, isagoo sidoo kalena qayb ka ahaa dhismihii dowlad goboleedka Jubaland.
Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay, samir iyo iimaan Allaha naga siiyo, Ilaahayna waxaan u weydiineynaa naxariistii Janno.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com