Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee soomaaliya ayaa dhaliilay bandowga bilaabanaya 7-da fiidnimo oo dowladda Federaalka Somalia ku soo rogtay magaalada Muqdisho bisha Ramadaan ee maanta bilaabatay.
Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan dad duruufo kala duwan qaba oo fursada aysan u saamaxeyn inay guryahooda afur ku sameystaan, go’aanka dowladdana uu keenayo in dad badan ay Afur waayaan.
Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxda dowladda Somalia ka dalbaday inay arrintaasi dib u eegis ku sameeyaan, loona naxariisto bulshada.
Waxaa uu soo jeediyey in wax laga bedelo tallaabooyinka ciidamada Dowladda ay qaadaan iyagoo dhaqan gelinaya bandowga saaran caasimadda, waxaana uu sheegay in sida hadda wax u socdaan laga wanaagsan yahay.
Shiikh Shariif ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bisha Ramadaan isagoo ku baaqay in la isku naxariisto la isna cafiyo.