Sheekh Shariif oo bogaadiyay kulanka Midowga Musharixiinta iyo Madxada Maamulada Puntland iyo Jubland uga socdo Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya shariif Sheekh Axmed ayaa bogaadiyay shirka Magaalada Muqdisho uga socda Midowga Musharixiinta iyo Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland.

Sheikh shariif sheikh Axmed ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa face buugga waxaa uu ku bogaadiyay shirkaaso oo looga hadlayo arimaha doorashooyinka iyo shirka kale oo loo ballmay in uu ka dhaco xerada Afasiyoone oodoorashooyinka looga hadlayo

Qoraalka shariif sheikh Axmed ayaa u qornaa Sidaan:

 

Kulanka Golaha Midowga Murashaxiinta, iyo M/weynayaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu qeyb kayahay dadaalka loogu jiro sidi dalka looga qaban lahaa doorasho xalaal ah, heshiis lagu wada yahay, oo si nabad ah ku dhacda.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com