Sheekh Shariif oo baaq deg deg ah ka soo saaray Abaaraha ka jira Gobolka Gedo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada Abaareed ee ka jirta gobolka Gedo iyo Aaameynta Cudurka Caronavirus uu ku yeeshay Bulshada Soomaaliyeed

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray Ugu baaqay Dawlada Federaalka Soomaaliya , Ganacsatada iyo Saaxiibada Soomaaliya in gurmad deg deg ah ay la gaaraan Dadka Anaarta iyo Biyo la’aanta ay ku heyso gobolka Gedo iyo gobolada kale ee Dalka

Qoraalka sheikh shariif ayaa u qorna sidaan”

Ugu horreyn Waxaan ugu baaqayaa Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan, Xukuumadda Xil-gaarsiinta, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, iyo Hay’adaha Samafalka inay kaalmo degdeg ah la gaaraan masiibada bini’aadannimo ee kajirta gobolka Gedo ee Jubaland iyo guud ahaan gobolada kale ee dalka ee laga soo sheegayo masiibooyinka.

Dhibaatooyin is biirsaday oo ay kamid yihiin Biya la’aan, Abaaro, iyo Caabuqa Covid-19 ayaa dhibaato xoogan ku haya bulshadeenna, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada Soomaaliyeed inay qayb ka noqdaan gurmadka, kaalin muuqatana ay ku yeeshaan keenista dalka ee talaalka Covid-19 maadaama awoodda dowladdu ay kooban tahay.

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa Wasaaradaha ay khuseyso ee Xukuumadda inay ganacsatada u fududeeyaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen, wax kasta oo looga hortegi karo cudurka Covid-19, sida tallaaka iyo adeegyada kale ee daawo ee loo kaashan karo la tacaalidda xanuunka Coronaha.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com