Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ka guuray Ex Hotel Naasahablood2 ee u dhow Taalada Daljirka Daahson

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Shekh Axmed iyo Xasan sheikh Maxamuud ayaa ka guuray hotelkii ay deganaayeen ee Maa’ida Islamarkaana loo yaqiinay Naasahablood2

Gaadiidka Nuuca aan xabadu Karin ee ay wataan madaxdaasi ayaa waxaa galbiyay Ciidamadii ku ilaalinayay Ex Hotel Naasahablood2

Sheekh shariif sheikh Axmed iyo Xasan sheikh Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa in ay ka qayb geli doonaan shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya kaas oo looga hadlayo weerarkii xalay ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahson oo ay ku Eedeeyeen Ciidamo ka Amar qaata Madaxweyne Farmaajo in ay soo weerareen Hotel Ex Naasahablood2 halkaas oo ay ka Abaabulayeen dibad baxii baaqday , Hasae ahaatee Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com