Sheekh Shariif iyo Xasan sheekh Maxamud oo booqasho tacsi ah ku tagay Hoyga Madaxweynihi hore ee Soomaaliya

Madaxweynayaashii hore e Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan shekh Maxamuud ayaa booqasho tacsi  ku taagay Hoyga uu Muqdisho ku lee yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo shalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi

Booqashada Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh  Waxaa ku wehliya qaar ka tirsan Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Mudulood

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa barta uu ku lee yahay Face Buugga soo dhigay Ereyadaan:

Waxaan aniga, M/weynihii hore Hassan Sheikh Mohamud iyo xubno kaloo nala socdey aan tacsi qaran ugu tagnay qoyska Madaxweynihii hore ee dalka Allaha u naxariistii Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo aan kaga qayb galnay kulan looga tashanayay aaska Marxuumka oo ay nagu wehliyeen dhaqanka beesha Mudullood iyo siyaasiyiin kale.

Waxaan Alle u weydiineynaa raxmaddiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com