Sheekh Shaakir”Dowladu waxaa ay rabtaa in Galmudug ka dhigto xaafad ka mid ah Muqdisho”.

Dhuusa,Mareeb, Sheekh Shaakir oo ka mid ah Madaxda ahlu sunna ee Gobolada dhexe ayaa si weyn u cambaareeyay dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sheekh shaakir oo la hadlayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in dowlada dhibaato xoogan ku heyso xal u helida maamul loo dhan yahay ee laga dhiso Gobolada dhexe.

Waxaa uu ku eedeeyay in dowladu rabto in Galmudug ka dhisto maamulka ay iyadu rabto waa sida uu hadalka u dhigayo.

Isaga oo intaas ku daray in taasi aysan aheyn mid xal loogu heli karo khilaafaadka xoogan ee ka jira dadka ku abtirsada Galmudug.

“waa mid aan xal u eheyn dadka ku abtirsana Galmudug in dowladu u dhisto maamul iyadu wadato”ayuu yiri sheekh shaakir.

Sheekh shaakir ayaa intaas ku daray in madaxda dowladu rabaan in Galmudug ka dhigaan xaafad ka mid ah Muqdisho.

“Dowladu waxay rabtaa in galmudug ka dhigto xaafad ka mid ah Muqdisho”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale Sheekha ayaa dowlada ku eedeeyay in ay mas,uul ka aheyd khilaafkii xooganaa ee soo kala dhex galay Ahlu sunna iyo Madaxweyne Xaaf.

Xafiiska Wararka,Muqdisjho.

Info@aragticusub.com