Sheikh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimada Soomaaliya ayaa Nasiib darro ku tilmaamay in Qaar kamid ah Wasiiradda Dawlada Federaalka Soomaaliya aysan Ehel u ahayn Xilka loo dhiibay ama Masuuliyadda ay hayaan, Wuxuna tilmaamay inay kamid tahay Waxyaabaha lagu garto in Saacadii Qiyaame soo dhowaatay.
“Nin ayaa suubanaha Nebiga NNKH weydiiyey: ((goorma ayaa qiyaamuhu dhacayaa?)) Wuxuuna ugu jawaabey calayhi salatu wasalaam: ((Haddaad aragto in xilalka loo dhiibo dad aan ehel u ahayn, saacaddii qiyaamaha sug)). Allahumma salli wasallim calayka yaa rasuulallah.
Haddaad dhegeysato wasiirrada dawladda federaalka soomaaliya qaarkood, oo ku magacaaban wasaaradaha ugu xassaasisan ummaddan arrimeheeda, waxaad is oraneysaa: subxaanallah. waa sidii suubbanuhu sheegaye, saacadda qiyaamaha iska sug!
Nin soomaaliya oo arrin la yaabay baa laga sheegay: Maxaa la sheegaa shib lee waayee!” Ayuu yiri Sheikh Maxamed Idiris.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com