Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya , Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray kuraasta Golaha Shacabka iyo deegaanada laga soo dooranayo oo ah labo deegaan sida Caasimada Dowlad Goboleedka iyo magaalo kale.
Shaxda ayaa u qorneyd Sidaan:
Puntland waxaa lagu soo dooran doonaa 39 Kursi oo kamid ah Baarlamaanka, waxaana loo Qorsheeyay sidan.
- magaalada Garoowe 24 Kursi Waana (Kuraasta Gobolada Sool, Nugaal iyo Mudug)
- Magaalada Boosaaso 15 Kursi Waana ( Kuraasta Gobolada Bari, Qardho iyo Sanaag)
Galmudug waxaa loo Qorsheeyay in lagu soo doorto36 Kursi.
- Magaalada Dhuusamareeb 24 Kursi
- Magaalada Gaalkacyo 12 Kursi
Jubbaland Waxaa loo Qorsheeyay in lagu soo doorto 43 Kursi
- Magaalada Kismaayo 27 kursi , 2. Gedo (Garbaharey) 16 Kursi.
Hirshabelle 37 Kursi
1 Jowhar 15 Kursi, 2. Beledweyne 22 Kursi
Koonfur Galbeed 69 Kursi
magaalada Baydhabo 44 Kursi , 2. Baraawe 25 Kursi
Gobolka Banaadir waxaa lagu dooran doonaa 51 Kursi
Banaadiri 5 kursi , 2. Xubnaha Gobolada Waqooyi (Somaliland) 46 Kursi.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com