Shariif Sheekh Axmed & James Swan oo kawada hadlay Doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya James Swan waxa ay kawada hadleen Doorashooyinka Dalka.

Shariif & Swan waxa ay diiradda saareen sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorashooyin hufan oo si caddaalad ah dalka uga dhaca si natiijo lagu qanco ay kasoo baxdo meeshana laga saaro muranka kasoo laabtay Doorashooyinkii dhacay.

James Swan oo la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo laf dhabar u ah Doorashooyinka iyo howlaha geedi socodka Dalka waxa uu ka dhageystay aragtidooda la xiriirta sida looga gudbi karo cabashooyinka hareeyay Doorashada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa ku sheegay in kulanka inta uu socday hoosta ay kawada xariiqeen Danjire James Swan in la dardargeliyo Doorashooyinka Dalka.

“Waxaan maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Danjire James Swan, waxaana ka wada hadalnay xaaladda siyaasadeed ee dalka, xal u helidda caqabadaha hortaagan dar dar galinta doorasho daah furan oo natiijadeeda lagu wada qanci karo. ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Muqdisho waxaa ka socda kulamo intooda badan looga hadlayo Doorashooyinka Dalka si loo saxo qaladaadka ka dhacay Doorashooyinkii Xildhibaannada Golaha Shacabka ee lagu qabtay Muqdisho, Dhuusamareeb & Baydhabo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com