Shaqaalaha Turkiga oo laga daad-gureeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho laga daad-gureeyay Shaqaalaha Turkiga, ee muddooyinkii ugu dambeysay ka hawlgalayay Caasimadda Muqdisho.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa Shaqaalaha Turkiga ka daad-gureysay Garoonka Aadan Cadde, ka dib markii halkaasi la isugu geeyay.

Tani ayaa waxay daba-socotaa amarkii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ee la xiriiray, in dalka lagu soo celiyo Shaqaalaha Turkiga ee dibadda ka hawlgala.

War qoraala oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in si ku-meel-gaar ahi Shaqaalaha Turkiga looga saaray Magaalada Muqdisho, iyadoo laga hortaggayo faafitaanka Coronavirus.

“Digtoonaantii uu qaatay Madaxweynaheena si looga hortago faafitaanka Covid-19, muwaadiniinteena ku sugan gudaha Somaliya waxay si ku-meel-gaar ah uga guureen Muqdisho, iyagoo raacaya inaanan muwaadiniinteena dibadda looga keenin xanuunka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Soomaali leedahay, iyadoo ka caawisa dhinacyo badan. Dadka Soomaaliyeedna waxaa ay Madaxweyne Erdogan ku ammaanaan hoggaamiyaha muuqdo, ee ay maanta leedahay dunida Islaamka.

Hoos kadaawo Sawirada 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com