Shan ruux oo ku geeriyootay dab xalay ka kacay deegaanka Andøy.

Andenes, Shan ruux oo afar ka mid ah carruur yihiin ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dab xalay ka kacay mid ka mid ah guryaha lagu nasto ee ku yaala degmada Andøy ee Waqooyiga Norwey.

Dadkaan ayaa halkaas ku yimid si ay ugu nastaan sida la xaqiijiyay balse degenaa Degmada Vågen Lofoton.

Sarkaal ka tirsan booliska Gobolka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka dhintay lahaayeen xiriir balse uusan xaqiijin nooca xiriirkaas.

Sidoo kale sarkaalka waxaa uu carabka ku adkeeyay in dabkaas ku dhinteen afar carruur ah oo da,dooda ka hooseyso 16jir.

Wixii Warar ah kala soco www.Aragticusub.com

Info@aragticusub.com