Shacabka Degmada Xamar Jajab oo Cabasho ka Muujiyay Lacago uu ku soo rogay Mamulka Degmadaasi

 Qaar ka mid ah shacabka ku nool degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ayaa cabasho k muujiyay lacago uu Gudoomiyaha Degmad Xamar Jajab Maxamed Cabdi Axmed uu ku amray in ay bixiyaan

Lacagt oo gaareysa 10 doolar ayaa Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab uu ku amray in ay biiyaan Famil kasta ee degan degmadasi

Dadka shacabka qaarkood oo la soo xiriiray Warbaahinta aragticusub xafiiskeeda muqdisho kana gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo sababo amni awgeed ayaa sheegay in lacagtaasi aysan ahayn mid sharci ah balse Gudoomiyuhu uu jeebkiia rabo in uu ku shubto

“ Waxaan nahay Dad Danyar ah mana Awoodno in lacagtaasi aan bixino sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah Dadka shacabka ah ee degmadaasi ku nool .

Ilaa hadda lama Oga lacabta uu Dadka shacabka ah ee degmadaasi ku nool uu ku soo rogay Gudoomiyaha Degmada Xamar Jabajab balse maamulka degmada ayaa la sheegay in lacagta 10 doolar ee qoysaska degmadaasi laga rabo ay tahay mid lagu hormarinayo Degmada.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com