Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin lagu Eedeeyay in dil uu geystay

Fagaare ku yaal degmada Buq-Aqabale ee gobolka Hiiraan waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacday xukun dil ah oo lagu fuliyay nin horay qof kale ugu dilay isla deegaan kaas oo tirsan gobolka Hiiraan.

Shabaab ayaa xukunkaas dilka ah ku Fulisay nin lagu magacaabi jiray Daa’uud Aadan Muumin kaasi oo horay u dilay Daa’uud Qeyleey.

Shabaab ayaa sheegtay Ehellada ninka la dilay ay maxkamadda ku dacwaystay gacan ku dhiiglaha waxaana loo bandhigay sida ay sheegeen in ay diyo qaataan,in ay cafiyaan ama ay qisaastaan waxayna doorteen in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha sida ula kaca ah u dilay wiilkooda.