Shabaab oo Weerar ku qaaday Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka Ka Imaanaya  Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii degmadaasi ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Alshabaab.

Dad ku sugan Balcad ayaa xaqiijiyey in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta afar Xaafadood oo ka mid ah kuwa degmadaasi.

Waxaa jira Dad shacab  ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay dagaalka, waxaana la xaqiijiyey dhaawaca toddoba qof oo shacab ah.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigeen xarunta maamulka degmada Balcad, saldhigga Booliska, xabsiga dhexe iyo dhammaan koontaroollada lagasoo galo magaalada, balse si madax banaan looma xaqiijin karo.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Balcad ayaa hadda daggan tahay.

“Kooxdii soo weerartay waxaa laga dilay 14 maleeshiyo ah, halka ciidamada Dowladda uu ka dhintay hal Askari, iyo dhawaca 7 qof oo shacab ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Degmada Balcad oo 30 Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ayaa bilihii tegay bartilmeed u ahayd Al-Shabaab oo ka fulisay weeraro kala duwan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com