Shabaab oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen diyaarad Nuuca Wax Basaasa

Alshabaab ayaa Waxaa ay shaaciyeen  inay gacanta ku dhigeen  diyaarad nooca wax basaaso ah oo maanta ku dhacday gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan aagga Ballidoogle, oo saldhig weyn oo militeri ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Dawlada Federaalka  Soomaaliya  ee Danab .

Sida ay sheegeen diyaaradan oo ah mid yar ayaa markii ay dhacday dul heehaabeysay deegaan ay maamulaan Al-Shabaab oo u dhaw Ballidoogle, waxayna tilmaameen inay ku jirtay “howlgal basaasnimo ah.”

Waxay sheegeen inay ku rakiban yihiin kaamirooyinka wax duuba oo ay iyaga ku basaaseysay, balse hadda ay gacanta ku hayaan.

Waa diyaaradii labaad oo bishan gudaheeda ay burburkeeda soo bandhigeen Al-Shabaab, waxayna sidaan oo kale burburka diyaarad aad u yar ku soo bandhigeen gobolka Jubada Hoose, taas oo ay sheegeen inay ku soo dhacday duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Maalin ka hor markii burburka diyaaradda ay ku soo bandhigeen Jubbada Hoose waxay weerar is-miidaamin ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaa-Cabdalle oo 60-KM u jira Kismaayo.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com