Shabaab oo caawa weeraray Degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in caawa uu dagaal ka socdo degmadaasi, ka dib markii ay weerareen ururka Al Shabaab.

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab ayaa xilligan ka soconaya fariisimo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Mukayga.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in rasaas xoog leh laga maqlayo halkaasi, isla-markaana ay labada dhinac dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Dowladda ayaa isku dayaaya in ay dib u caabiyaan, oo ay degmadaasi ka saaraan maleeshiyadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday.

Ciidamada Amisom ee degmadaasi ku sugan ayaan dagaalka qayb ka ahayn, isla-markaana aysan soo dhaafin fariisimaha ay ku leeyihiin Afgooye.

Inta badan Ciidamada Amisom ayaan ka qayb qaadan, marka sidaan oo kale ay Shabaabka u soo weeraraan degmadaasi, balse ay dagaalka ku biiraan marka uu aad u xoogeysto.

Degmada Afgooye waxay ka mid tahay Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose, ee ay ku soo noqnoqdeen weerarada ay gobolkaasi ka gaystaan maleeshiyada Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com