Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee soomaaliland ayaa waxaa ay ka hadleen wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland uga furmay Wadanka Jabuuti.
Senator Nuura Faarax Jaamac oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare oo hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in wada-hadaladaas ay ahaayeen kuwo u baahnaa in waqti hore la qabto.
Waxaa ay sheegtay in wada-hadallada Jabuuti ay yihiin mid ay olole doorasho ka dhiganayaan Madaxda Dowladda Fedearalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne farmaajo,isla markaana iyada siyaasado ay ka baqeysay a soo baxeen.