Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Jubbaland ayaa maanta Degmada Ceelwaaq ku qabtay Doorashada kuraas kamid ah 16ka kursi ee deegaan-doorashadooda laga wareejiyay Garbahaarey.
Kursigii ugu horreeyay ee maanta lagu Doortay Degmada Ceelwaaq Gobolka Gedo waa HOP#119 waxaa dib ugu guuleystay Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo ah Wasiirka Waxbarashada XFS. Codeynta ayaa u dhacday gacan-taag kaddib markii uu tanaasulay Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.

Kursiga labaad ee maanta la doortay waa HOP#065 oo uu ku fadhiyay Jibriil Cabdirashiid Xaaji, dib ayuu ugu guuleystay Kursigaan maadaama uu tanaasulay musharixii la tartamay ee Aadan Ibraahim Isaaq waxa ay codeyntiisa u dhacday gacan-taag sida uu sheegay SEIT Jubbaland.

HOP#090: Maxamed Aadan Macalin Cali (Maxamed Soomaali) ayaa markale dib ugu guuleystay, waa kursigii saddexaad oo ee lagu doortay Ceelwaaq, Xasan Cabdi Axmed ayaa tanaasulay sidaas ayay u dhacday Codeyn gacan-taag ah.
