SAWIRO:- Khasaro ka dhashay dab ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaalla Muqdisho

Dab ayaa goordhow ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaalla laamiga Degmada Deeyniile gaar ahaan Xaafada lagu Magacaabi Siisii ee Gobolkan Banaadir, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.
Dabka ayaa geystay khasaaro hantiyadeed, waxaana gubtay goobo kamid ah meelihii uu ka kacay, iyada oo markii dambe ku guuleystay inay demiyaan Gaadiidka dab demiska Shirkadda Hormuud iyo kan Gobolka Banaadir.
Magaalada Muqdisho waxaa joogto ka noqday dabka ka kaca Goobaha Ganacsi, waxaana Suuqyada qaar la waayaa waddooyin loo maro si loo demiyo halka dabka qaarkiis lagu guuleysto in la damiyo.