Sarkaal lagu dilay Magaalada Garowe & Ciidanka Puntland oo soo qabtay Gacan ku dhiiglaha dilka geystay

Taliska Booliska Gobalka Nugaal oo gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglihii dilay Taliyihii Saldhiga Galbeed Magaaalada Garoowe Labo Xiddigle Marxuum Axmed Cali Shire.

Boolska ayaa sheegay in ay kusoo qabqabteen baaritaan dheer oo ay gobolka ka sameeyeen, sidoo kalena ay ku raad joogeen ilaa Markii uu falka Dilka ah uu dhacay.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ay caddaaladda hor geyn doonaa gacan ku dhiiglaha dilka geystay, islamarkaana la marsiin doono waxa uu sharciga islaamka ka qabo.

Soo qabshada gacan ku dhiiglahan ayaa imaaneysa xilli hawl gallo joogta ah ay ka wadaan ciidanka booliska Gobalka Nugaal Magaalada Garoowe madaama lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com