Sarkaal la dhashay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ka badbaaday Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo aya sheegaya Sarkaal ka tirsan Laanta dambi-baarista C.I.D in maanta uu ka badbaaday qarax lala beegsaday gaarigiisa xilli uu marayay bartamaha magaalada Gaalkacyo, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen  xubno saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga punytland .

Sarkaal qaraxa ka badbaaday ayaa wararku ay sheegayaan in uu la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iyadoo  Qaraxaas uu burbur gaarsiiyay gaarigiisa.

Sarkaalka Qaraxa lala eegtay ayaa magaciisa lagu sheegay Warsame Yuusuf Axmed , Hase, ahaatee Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo kordhay Falalka Amni xumo ee ka dhaca gudaha Magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com